Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Qur'aanka
Su'aalo iyo Jawaabo
Ilaahay ayaa mahad iska leh kaasoo innaga dhigay muslimiin rumaysan kitaabka qur'aanka ah, raacayna jidkii Nabi Maxamed (SCW), mahad dabadeed,In aad diintaada wax aad ka barato waa arin aad u wanaagsan oo waxaad noqoneysaa qof yaqaan diintiisa.
Kuwaani waa qaar ka mida Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Qur'aanka kariimka:
1) Waxaad sheegtaa tirada suuradaha qur'aanka ?
J: waa 114 suurad.
2) Meeqo jus ayuu ka kooban yahay qur'aanka ?
J: 30 jus
3) Meeqo xisbi ayuu ka kooban yahay qur'aanka ?
J: 60 xisbi.
4) Meeqo sujuud ayaa ku soo arooray qur'aanka ?
J: 15 sujuud.
5) Waxaad sheegtaa tirada ( qirooyinka ) qur'aanka ?
J: waa 7 qiro.
6) Waxaad sheegtaa tirada aayadaha qur'aanka kariimka ?
J: waa 6236 aayad.
7) Waxaad sheegtaa tirada kalmadaha(ereyada) qur'aanka ?
J: waa 77439 erey.
8) Waxaad sheegtaa tirada basmalada(bisinka) qur'aanka ?
J: 114 bisin.
9) Waxaad sheegtaa tirada dhibcaha xuruufta qur'aanka ?
J: waa 1015030 dhibic.
10) Waxaad sheegtaa tirada suuradaha ku soo dagay maka ?
J: waa 82 suurad.
11) Waxaad sheegtaa tirada suuradaha ku soo dagay madiina ?
J: 20 suurad.
12) Waxaad sheegtaa inta la isku qilaafsan yahay meeshey ku soo dageen ?
J: waa 12 suurad.
13) Waxaad sheegtaa tirada aayadaha mako ku soo dagay ?
J: waa 4470 aayad.
14) Waxaad sheegtaa tirada aayadaha madiina ku soo dagay ?
J: waa 1729 aayad.
15) Waxaad sheegtaa tirada aayadaha aan ku soo dagin mako iyo madiinaba ?
J: waa 37 aayad.
16) Waxaad sheegtaa tirada xuruufta qur'aanka kariimka ?
J: waa 323071 xaraf.
17) Waxaad sheegtaa suuradda ugu dheer qur'aanka ?
J: waa suuratul baqara,(286 aayadood).
18) Waxaad sheegtaa suuradda ugu gaaban qur'aanka ?
J: waa suuratul kawthar,(3 aayadood).
19) Waxaad sheegtaa suuradda aan bisin lahayn ?
J: waa suuratul Tawba.
20) Waxaad sheegtaa suuradda labada bisin leh ?
J: waa suuratul namal.
21) Waxaad sheegtaa ereyga qur'aanka kala bara ?
J: waa ereyga (وليتطلف ) oo ku jira suuratul kahf.
22) Waxaad sheegtaa suuradda haddii guri lagu aqriyo uusan sheydaanka soo galin ?
J: waa suuratul Baqara.
23) Waxaad sheegtaa suuradda ugu weyn ama ugu fadliga badan ?
J: waa suuratul Faatixa.
24) Waxaad sheegtaa suuradda ku dhamaata labo nabi magacood ?
J: waa suuratul Alacla.
25) Waxaad sheegtaa labada suurad u dhigma qur'aanka rubcigii ?
J: waa suuratul sulsilad iyo alkaafiruun.
26) Waxaad sheegtaa magaca addoonkii wanaagsanaa ee lagu sheegay suuratul kahf ee nabi muuse uu raacay ?
J: waxaa la oran jiray khadir (cs).
27) Meeqo sano ayuu Qur'aanku soo dagayey ?
J: 23 sano
Comments
Post a Comment